Deeq A. Posted February 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Dabley ku hubeysnaa bastoolado ayaa barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya ku dilay duleedka Muqdisho, gaaar ahaan waddada Jayga ee gasha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Askariga la dilay watay ayaa la sheegay in uu watay mootada nuuca loo yaqaano Fekonta, iyadooanay ay baxsadeen raggii dilay. Ciidamo ka tiirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ay ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa dilal qorsheysan ay ka dhacayeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites