Deeq A. Posted February 24, 2019 Awdheegle (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen deegaanada Kunyo-Barow, Dacaaraha, Janaale iyo Awdhgeele oo dhammaan ka wada tirsan gobolkaasi. Al Shabaab oo ka hadlay duqeymahaasi ayaa sheegay in aysan ka soo gaarin wax khasaare ah. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeymahani lala bartilmaameedsaday guryo ay daganaayeen dad rayid ah, laguna dilay dila ilmo yar oo dhalnaa 20 maalmood iyo Macalin Dugsi Qur’aan oo ku sugnaa deegaanka Kunyo -Barow ee gobolka Sh/Hoose. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyay duqeymahaasi dhanka cirka ah. Balse inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Al Shabaab iyo Daacish ka fuliya Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites