Sign in to follow this  
Deeq A.

VIDEO: Xog cusub oo laga helay qaabkii xildhibaan Cismaan Boqore loo dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa lagu dhex dilay guri uu ka dhisanayay xaafad isku raran ah oo ku taala degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana xiliga la dilayay la sheegay inuu lacago u qeybinayay shaqaalaha dhismaha.

Qaar kamid ah dadka degen xaafadda uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in Xildhibaan Boqore uu kamid ahaa saaxiibadooda gaarka ah, islamarkaana uu wax badan u qabtay qaar kamid ah shacabka uu la noolaa.

Waxay sheegeen in xildhibaanka uu shalay yimid inuu kormeer ku sameeyo dhismaha guri uu isaga lahaa oo looga dhisayay isla xaafadda dhexdeeda, waxaana la sheegay inuu xiligaasi lacag u qeybinayay shaqaalaha dhismaha.

Waxaa soo baxaya xogo kale oo sheegaya in dadka dilka xildhibaanka ka dambeeyay muddo inay ku sugnaayeen Guriga islamarkaana xildhibaanka uu u heystay inay shaqaalaha la socdaan.

Kooxaha Hubeysan ayaa rasaas xoogan la dhacay Xildhibaan Boqore, markii uu dhameyn rabay bixinta lacagaha shaqaalaha dhismaha waday.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this