Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog:Benjamin Netanyahu oo lagu haysto  xidhiidh uu sheegay inuu la leeyahay Somalia & Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Benjamin Netanyahu oo lagu haysto  xidhiidh uu sheegay inuu la leeyahay Somalia & Jabuuti

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa lagu haystaa inuu ka been sheegay xidhiidh diblomaasiyadeed aan jirin oo uu sheegay in dowladdiisa ay la leedahay Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dooddan ayaa ka dhalatay Khariirad uu maamulkiisa diyaairiyey, oo  Netanyahu uu dhowaan tusay hogaamiyayaasha Yahuudda-Mareykanka. Khariiradda ayaa waxaa midabo kala duwan ay ku muujineysaa xidhiidhada kala duwan ee Israel la leedahay dalalka Afrika.

Sida uu qoray wargeyska Times of Israel, warbixinta la socota Khariiradda ayaa cinwaan looga dhigay “Israel waxay ku laabaneysaa Afrika” waxaana dalalka Afrika ay u qeybineysaa afar nooc oo afar midab kala ah.

Mid ka mid ah afartaas midab oo ah midabka buluga khafiifka ah, ayaa waxaa lagu muujiyey inay yihiin dalalka Israel ay la leedahay xidhiidhka diblomaasiyeed, balse aysan wax safaarad ah ku lahayn.

P90218-175638-e1550619534360.jpgWaxaa dalalkaas ku jira Soomaaliya iyo Jabuuti, hase yeeshee wargeyska Times of Israelayaa qoray in maamulka Netanyahu uu arrintaas ka been sheegay, islamarkaana labadaas dal aysan wax xidhiidh ah la lahayn Israel.

Xafiiska Netanyahu iyo wasaaradda arrimaha dibedda oo wargeyska uu wax ka weydiiyey arrintan ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiyaan.

Si kastaba, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda oo codsaday inan magaciisa la sheegin ayaa wargeyska u sheegay in la midabeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti laguna sheego inay xidhidh la leeyihiin Israel ay ahayd Khalad ay sameeyeen kooxdii diyaarisay Khariiradda.

Netanyahu oo wajahaya doorasho adag oo dhowaan dhaceysa ayaa loo arkaa inuu sidan u sameeyey inuu ku xoojiyo guulihiisa siyaasadda arrimaha dibedda.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this