Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweyne Caalami Ah Oo Maanta Ka Furmaya Sharma-Sheek Ee Dalka Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sharma-sheekh)-Shirweynihii Koowaad ee Hoggaamiyayaasha dalalka Carbeed iyo kuwa Midowga Europe ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalladda Sharma-sheekh ee dalka Masar.

Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalmood waxaa La-guddoomiye ka nodonaya Guddoomiyaha Ururka Midowga Europe, Donald Task iyo Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-siisii, waxayna Hoggaamiyayaasha kaga wada xaajoon doonaan Ajendayaal ay ugu muhiimssan yihiin Iskaashiga Carabta iyo EU-da, Ammaanka, Tahriibka, Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Xalladaha dalalka Syria, Libya, Falastiin iyo Yemen iyo qoddobo kale.


Madax sare oo uu ka mid Boqorka Sacuudiga iyo Madax kale oo Carbeed ayaa iyagana ka qeyb galaya shirkaasi oo muhiimad u leh Danaha Guud ee dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Europe.

In ka badan 20 Hoggamiye oo ka socda Dowladaha EU-da ayaa la filayaa inay Kulankaasi ka soo qeyb galaan, halka Tiro aan la cayiman oo Madaxda dalalka Carabta ku wehlin doonaan Shirka Sharma-sheekh.

Dhinaca kale, Dowladda Qatar waxaa Shirkaasi u matalaya Wakiilkooda Joogtada ee u jooga Ururka Jaamacadda Craabta, Ibraahim Al-sahlaawi.

Wargeyska Arabi Al-jadiid ee ka soo baxa magaalladda London waxa u uka soo ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar inay go’aankaasi qaateen, kadib, markii ay Dowladda Masar warqadda Casuumaadda Ka-qeybgalka Shirkaasi ay ugu soo dhiibeen Safaaradda dalka Giriigga ku leeyihiin dalka Qatar, halkii u unidaamku ahaa in si toos ah loogu soo dhiibo Wakiilka Joogtada ee Dowladda Qatar u jooga Xarunta dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this