Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamuud Xaashi Oo Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE Lagu Darayo Iyo Cabdicasiis Samaale Iyo Axmed Cabdi Dheere Oo Cod Loo Qaadayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa maalinta isniinta ah ka furmaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Kulmiye106.jpg-1.png

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kulan uu la qaatay madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo waxa uu ugu sheegay ajandaha shirka golaha dhexe kuwaas oo uu ku soo daray qodob ku saabsan in guddida fulinta ee xisbiga lagu soo dari doono xubno cusub qaar hore ugu jirayna lagu ansixiyo.
Wararka ayaa sheegaya in xubnaha lagu darayo guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE uu ugu horeeyo wasiirkii hore ee madaxtooyada md Maxamuud Xaashi Cabdi.

Sidoo kale wararka xaqiijiyey in kursiga gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo hunguri kaga jiro siyaasi Maxamuud Xaashi aan si ku meelgaadhnimo ah loo wareejinayn, taas oo guul kale oo siyaasigaas isku diyaarinaya la wareegida hogaanka xisbiga Kulmiye.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere iyo ex Wasiir Cabdicasiis Samaale ayaa ka mid ah xubnaha ku jira guddida fulinta ee codka loo qaadi doono, iyada oo la buuxin doono jagooyin ay guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye ka baneeyeen siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdilaahi Jawaan oo iska casilay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this