Deeq A. Posted February 24, 2019 Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka fuliyey deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Xarakada Al-shabaab. Wararku waxay sheegayaan in diyaaradahan ay duqeyntan ka fuliyeen deegaannada Awdheegle, Janaale, iyo sidoo kale Kuunya-barow, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Inta la xaqiijiyey waxaa duqeyntan ku dhintey Afar qof, iyadoo dhaawac uu jiro. Diyaaradahan dagaal oo loo maleynayo iney yihiin kuwa Maraykanka ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday saldhigyo ay lahaayee Al-shabaab. Ma jirto weli faah faahin intaan ka dheer oo duqeymahan laga helay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites