Deeq A. Posted February 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay tallaabooyinkii ay qaadeen, kadib dilkii shalay loo geystay Xildhibaan Cisman Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. General Cabdullaahi Xasan Bariise taliyaha hogganka ilaalinta Canshuuraha iyo dhaqaalaha Booliska Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in gacanta lagu soo dhigay illaa labo nin iyo gaari ay wateegn, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay geysteen dilkaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in haatan baaritaano dheeraad ah ay ku socdaan Raggaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Labo qof oo loo soo qabtay dilkii Xildhibaan Boqore appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites