Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Cismaan Boqore Oo lagu aasayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa maanta M/ Muqdisho lagu aasi doonaa Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb gali doona madax ka tirsan DFS iyo ehelladii uu ka baxay.

Xildhibaanka geeriyooday waxaa uu xubin ka ahaa muddo fog  Golaha Shacabka, isaga oo ka soo galay gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay geerida Marxuumka.

Fowsiyo oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeysay taariikhda Xildhibaankaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga.

The post Xildhibaan Cismaan Boqore Oo lagu aasayo Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this