Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn xoogan Oo ka dhacday gobolka Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqemo dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacay gobolka Shabeenaha Hoose ee K/ Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lagu garaacay deegaanada Awdhiigle iyo Janaale ee gobolkaasi.

Illaa todobo gantaal ayaa ku dhacay deegaanka Awdhiigle, kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay ku hoobteen Guryo ay daganaayeen dad rayid ah.

Sidoo kale dhorwr  gantaal ayaa la sheegay in lagu dhuftay qeybo ka mid ah deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoona uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray Al Shabaab iyo ciidamo ku daatay deegaankaasi.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka hadashay duqeymahaasi diyaaradeed, balse xaaladda ayaa saaka ah mid dagan.

The post Duqeyn xoogan Oo ka dhacday gobolka Sh/ Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this