Sign in to follow this  
Deeq A.

CC SHAKUUR: Kadib dilkii Boqore: Xaalka Muqdisho wel-wel ayaan ka qabaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur ayaa ugu horeyn ka hadlay dilkii gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo kamid ahaa guddiga difaaca ee baarlamaanka.

Ugu horeyn wuxuu tacsi u diray xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka iyo ehelada xildhibaanka, isaga oo sheegay in Xildhibaan Boqore uu kamid ahaa odayaasha baarlamaanka ku jira.

Siyaasi Warsame, ayaa sheegay in walwal weyn ay ka qabaan xaalada amaan ee magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in maalin kastaa dilal kala duwan ay ka dhacaan caasimadda.

Wuxuu sidoo kale sheegay amaanka Muqdisho loo baahan yahay in wax la iska weydiiyo, maadaama ay dilal kala duwan ka dhacaan Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelka iyo xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka dilka loo geystay Allaha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Climi Boqre oo ka mid ahaa odayaasha Golaha Shacabka. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, waxaanse welwel ka qabaa xaalada nabadgelyo xumi ee magaalada Muqdisho”

“Waxaa maalin kasta la dilaa saraakiil ciidan iyo masuuliyiin dawladeed. Waa arrin u baahan in si dhab ah la isaga warsado” ayuu yiri Mr Warsame.

Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay galab degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo kamid ahaa xildhibaanada baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this