Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Bin Salmaan oo taageeray gumaysiga lagu hayo muslimiinta Uighur

Recommended Posts

Deeq A.   

Beijing (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa difaacay gumaysiga dowladda Shiinaha ay ku hayso muslimiinta dalkaas.

Bin Salmaan ayaa xerooyinka xabsiyada ah ee lagu hayo muslimiinta Shiinaha ugu yeeray “Mid Beijing ay xaq u leedahay inay sameyso”

“China waxa ay xaq uleedahay inay sameyso howl-gal  ka hortag argagixiso iyo ka saaris xagjirinimo oo ay ku sugeyso amnigeeda” ayuu yiri Bin Salmaan oo Beijing u jooga inuu China la saxiixdo heshiis ganacsi.

China ayaa xabistay ku dhowaad hal milyan oo qof oo ah muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur, kuwaas oo lagu hayo xerooyin la sheegay in wax lagu barayo, taasi oo qeyb ka ah barnaamij la sheegay in lagula dagaalamayo xagjirnimada.

Uighur ayaa ah dad jinsiyad ahaan Turkic ah oo haysta diinta Islaamka oo ku nool Galbeedka Shiinaha.

Beijing ayaa ku eedeysay muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka Xinjiang inay taageeraan argagixisada, waxaana lagu hayaa kormeer joogto ah.

Uighur ayaa ka codsaday dhaxal-sugaha Sacuudiga inuu arrintan kala hadlo dowladda Shiinaha inta uu ku guda jiro socdaalkiisa, hase yeeshee Bin Salmaan ayaa kala hadal iska dhaaf’e, sheegay in China ay xaq uleedahay ficilladeeda.

Hoggaamiyayaasha muslimiinta ayaa inta badan ka aamusay xadgudubka lagu hayo muslimiinta Uighur, marka laga reebo madaxweynaha Turkiga Erdogan, oo dhowaan sheegay in ficillada China ay yihiin “kuwa ka baxsan bani aadannimada”

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this