Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharaxii looga guuleystay doorashadii Puntland oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Asad Cusmaan Diyaano oo ahaa ruuxii looga guuleystay wareegii ugu dambeeyay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ee maamulka Puntland.

Asad Diyaano ayaa kusoo baxay doorashadii Puntland ka dhacay 8 Janaayo sanadkaan 2019, waxaana uu yimid wareegii ugu dambeeyay oo aan laga fileysan.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Asad Dyaano, waxaana uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo safarkiisa magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa masuuliyiinta Asad kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

1-1.jpg 2.jpg 3-2.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this