Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag lagu tuhmayo dilka xildhibaan BOQORE iyo gaari ay wateen oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay labo ruux oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.

Taliyaha waaxda Canshuuraha ee ciidamada booliska Cabdullaahi Xasan Bariise oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la qabtay labo ruux oo la tuhunsan yahay iyo gaari ay wateen.

Taliye Bariise ayaa waxaa uu bulshada Soomaaliyeed u sheegay in kiiskaas aan laga hari doonin lagu raad joojo kuwo kale,isla markaana eedeysanayaasha loo soo qabtay dilkaasi la horgeeyn doono Cadaaladda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada booliska ay baaritaan ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, islamarkaana ay soo qabteen dadka falkaasi ka dambeeyay kadib xog ay ka heleen shacabka.

Kooxo Hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Kaaraan xildhibaan Boqore oo kamid ahaa guddiga difaaca ee baarlamaanka, waxaana la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay sii yaraanayeen ilaaladiisa.

Hadal uu ka jeediyay golaha shacabka ayuu u sheegay inuu waayay mushaaraad uu siiyo ciidamada ilaalada u ahaa, waxaana uu deganaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this