Sign in to follow this  
Deeq A.

Goob Al Shabaab Canshuur ku qaadayeen iyo maxkamad ku taala Sh/Hoose oo la duqeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyeen degmadaasi Awdheegle.

Duqeynta ayaa lagu waramayaa in lala eegtay maxkamad Al Shabaab ay leeyihiin oo ku taala degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ku qaadi jireen dacwadaha ka dhanka ah dadweynaha.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in duqeynta ay haleeshay goob ay Al Shabaab canshuurta ku qaadi jireen oo ku taala degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Al Shabaab ayaa dhankooda sheegay in duqeynta lala eegtay Shacabka ku nool degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida lagu baahiyay qoraal AL Shabaab ay ku faafiyeen barahooda ay wararka ku faafiyaan.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka KuunyaBarow ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay sheegeen in seddex ruux oo shacab ah ay ku dhinteen.

Duqeymo kale ayaa sidoo kale ka dhacay degmada Janaale iyo deegaanka Dacaar ee gobolka SHabeelaha Hoose, waxaana adag in la helo xog dheeri ah oo ku saabsan duqeynta ka dhacday Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this