Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo amar soo saaray kadib dilkii xildhibaan Boqorre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Eebbe ha u naxariisto XIldhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga amray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas geysateyna hor keenaan sharciga.

Xildhibaanka waxaa lagu dilay gudaha hoygiisa, iyadoo Askarigii ilalaada u ahaana uu isaga faray inuu Seexdo, maadaama uu Xalay oo dhan soo jeeday, waxaa sidaas Mustaqbal u sheegay ehelka marxuumka.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in gacanta lagu soo dhigay nin la sheegay inuu gaari ku waday Kooxda dilka geysatay, haatanna ay gacanta ku hayaan maamulka degmada Kaaraan.

Marxuumka la dilay oo ahaa Xildhibaanka ugu da’da weyn golaha Shacabka ee baarlmaanka Soomalaiya,Wuxuu ahaa nin qaranka u soo shaqeeyey mud dheer, isagoo ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray kuna dhaawacmay asagoo askari ah, waxa uu  ciidanka ku gaaray gaashaanle sare, wuxuu soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka, Isagoo haatan xubin ka ahaa Gudidga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomalaiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this