Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo, Guddoome Mursal Iyo Xasan Sheekh Oo Si Adag Uga Hadlay Dil Muqdisho Loogu Geystay Xildhibaan Deegaan Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdish)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

far.jpg

“Eebbe ha u naxariisto xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday, Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray in ay baadhis degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iimaan ka siiyo.

“Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo.

Gudddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaan uu ahaa AUN muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya.
“Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka Inuu ahaaa qof Cibaado badan, dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaadho”

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa rajo ka muujiyay in hay’adaha ammaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay Dilka Allaha u naxriistee Xildhibaanka ,wuxuuna hay’adaha ugu baaqay in ay baaraan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaana.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka hadlay dilka xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.
War Saxaafadeed uu soo saaray Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu tacsi ugu direy qoyskii iyo eheladii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geeridii allaha u naxariistee Ex Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre.
“Anigoo ku hadlaayo magacayga iyo magaca dhammaan xubnaha iyo bahweynta Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaan halkaan tacsi uga dirayaa qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xibiga isla markaana xubin firfircoon ka ahaa Xisbiga.”ayuu ku yidhi War Saxaafadeedkiisa Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this