Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda DFS oo ka tacsiyeeyay geerida Xil. Boqore

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Khayre, Afhayeenka Gollaha Shacabka gudoomiyaha maxkamada sare ayaa ka tacsiyeysay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay muraga la qaybsanayaan qoyska iyo asxaabta uu ka tegay mudanaha, iyaga oo ALLE uga baryay in uu siiyo naxariistiisa janadda.

Toogashada marxmuum Boqorre oo galabnimadii maanta ka dhacday degmada Karaan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa fuliyay rag hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah, kuwaasi oo la sheegay in la qabtay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka marxmuum Boqorre oo kamid ahaa mudanayaasha ugu da’da ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waa Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka tirsan Aqalka Hoose kaasi oo sanadkaan 2019 lagu dilay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

The post Madaxda DFS oo ka tacsiyeeyay geerida Xil. Boqore appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this