Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka ku dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysna oo aan haybtooda la garanayn ayaa ku dilay Muqdisho gellinkii dambe ee maanta xildhibaan ka tirsan aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa Golaha Shacbaka Somalia isla markaana horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanadii dalka soo maray ayaa waxaa lagu dilay degmada Kaaraan ee Muqdisho.

Kooxaha dilay xildhiaanka ayaa la sheegay inay wateen gaari kuwa raaxada ah, iyagoo toogasho ku dilay xildhibaanka, waxaana dableyda u suuro-gasha inay goobta ka baxsadaan.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaan Cismaan Boqorre oo horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somalia, xilligii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed.

Sidoo kale, Marxuumka oo ka soo jeeday gobollada Waqooyi ee Somalia, gaar ahaan gobolka Awdal ayaa wuxuu ahaa xildhibaan si cad u soo jeediya aragtidiisa, waxaana uu ahaa ruuxa ugu da’da weyn baarlamaanka Somalia.

Baarlamaanka hadda jira ayaa markii lasoo xulay sannadkii 2016-ka, waxay u doorteen inuu noqdo shir-guddoonka baarlamaanka maadaama uu ahaa qofkii ugu da’da weynaa ee baarlamaanka Somalia, iyadoo marii la doortay guddoonka cusub uu xilka ku warejiyay Jawaari oo markii dambe xilka laga qaaday.

Dhanka kale, Waxaa dilka xildhibaanka si caro leh uga hadlay Madaxda kala duwan ee dalka, iyagoo ku baaqay in baaritaan dhaqso ah la sameeyo lana soo qabto kooxihii ka dambeeyay dilka mudanahan si sharciga loo horkeeno.

Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aaso Muqdisho berri oo Axad ah, waxaana horay loogu dilay Muqdisho wiil uu dhalay marxuumka oo muran badan dhaliyay, wuxuuse caawa ka mid noqday Boqorre tiro ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka oo Al-shabaab ay Muqdisho ku dishay.

PUNTLAND POST

The post Kooxo hubeysan oo Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka ku dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this