Deeq A. Posted February 23, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay dil gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kamid ahaa golaha shacabka. Qoraal Al Shabaab ay soo dhigeen baraha ay wararka ku faafiyaan ayaa lagu sheegay inay iyaga ka dambeeyaan weerarka lagu dilay xildhibaan Boqore, waxaana la sheegay in rag ka tirsan Amniyaatka Al Shabaab ay fuliyeen dilka. Qoraalka ayaa sidoo kale lag sheegay in kooxaha dilka fuliyay ay si nabad galyo ah kaga baxsadeen goobta falka uu ka dhacay, waxaana la sheegay in howlgalkaasi lagu dilay xildhibaanka uu kamid yahay kuwa ay ka wadaan Muqdisho. Waxaa sidoo kale Al Shabaab ay sheegeen inay horey u dileen xubno ka tirsan ciidamada dowladda iyo xildhibaanada golaha shacabka. Sheegashada Al Shabaab ee masuuliyadda dilka xildhibaan Boqore iyo goorta la dilay ayaa waxaa u dhaxeeyay muddo kooban, waxaana xildhibaanka la sheegay in rasaas badan ay ku dhacday jirkiisa. Al Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigay muuqaalka dilal qorsheysan oo ay ka geysanayeen magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kasoo muuqdeen ciidamo iyo xubno ka tirsan dowladda oo si bareer ah loo dilayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites