Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Jawaabihii ay dilka Cismaan Cilmi Boqorre ka bixiyeen siyaasiyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madax kale duwan ayaa tacsi ka diray dilkii galabta magaalada Muqdisho loogu gaystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa baarlamanka federaalka Soomaaliya. Haddaba hoos ka aqriso qoraalladooda.

Sheekh Shariif Inaa lillah wa inaa ileyhi raajicuun, ilaahay ha u naxariisto walaalkeen Cismaan Cilmi boqorre oo xildhibaan ka ahaa golaha shacabka oo gacan ka xaq daran ay ku dishay Muqdisho.

Waxaan tacsi u dirayaa Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa, qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay.

Waxaan ilaahay uga baryeyna inuu janadii ka waraabiyo, aniga oo ugu baaqaya laamaha amniga ee dowladda in ay cadaaladda marsiiyaan soona qabtaan kooxii falkaasi foosha xun fuliyay.

Xildhibaan Mahad Salaad: INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Naxariistii Jano Alle haka waraabiyo Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo goor dhow lagu dilay magaalada Mogadishu. Qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday samir iyo iimaan Alle haka siiyo. Annagana gadaashiis Ilaahey nama fidneeyo.

Amiin Amiin Amiin.
Hon. Mahad Salad

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur: Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, allah ha u naxariisto Ex Xildhibaan Maxruum Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Golaha Shacabka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay dileen kooxo dablay ah daqiiqado ka hor, Waxaana allah uga baryayaa Janatulfirdowasa, Dhammaan shacabka, Dowlada Soomaaliya iyo qayskiisana Samir iyo iimaan.

Xildhibaan Cabdifataax Daahir: Maanta waxa gacan ka xaqdarran ku dishay magaalada Muqdisho Xil Cusmaan Cilmi Boqorre. Illahay waxaan uga baryaynaa in uu jannada ka waraabiyo, eheladiisii, asxaabtiisii iyo qarankana samir iyo iimaan ka siiyo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelka iyo xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka dilka loo geystay Allaha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Climi Boqre oo ka mid ahaa odayaasha Golaha Shacabka. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, waxaanse welwel ka qabaa xaalada nabadgelyo xumi ee magaalada Muqdisho. Waxaa maalin kasta la dilaa saraakiil ciidan iyo masuuliyiin dawladeed. Waa arrin u baahan in si dhab ah la isaga warsado.

Cabdirashiid Xidig: Bismilaah: Inaa Lilaah wa inaa Ilaayhi raajucuun:

Ilaahay Naxariistii Jano ha ka waraabiyo inagana Samir iyo Iimaan haynaga siiyo Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Golaha Shacabka Federaalka oo Galabta Lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this