Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Degaan Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Kana Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Lagu Dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Kooxo hubeysan, ayaa goordhow degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku dishay Xildhibaan katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

155093658726f7e.jpg

Xildhibaanka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore, waxaana dilkkiisa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Ciidammada ammaanka oo tagay halka uu dilka ka dhacay, ayaa sameeyay howlgal baadhitaano ah, waxaana jira warar sheegaya in gacanta lagu soo dhigay qaar kamid ah Raggii dilka geystay iyo gaadhigii ay wateen.

Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cismaan Boqorre ayaa kasoo jeeda degaan ahaan Somaliland gaar ahaan degmada Saylac.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this