Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsanaa BF oo Muqdisho lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wararka laga helayo degmada Karaan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi goordhow lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee Soomaaliya.

Dilka mudanaha oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Cilmi Boqore ayaa la sheegay in ay geysteen dabley hubeysan kuwaasi oo watay gaari nooca raaxada ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laamaha amaanka ay qabteen kooxihii falkaan dilka ah geystay.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saartay mas’uuliyadda falkaan, oo imaanaya xii amniga caasimada si wayn oo adkeeyay.

Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe Insha Allah

The post Xildhibaan ka tirsanaa BF oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this