Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegatay dilka Xildhibaan Cismaan Boqorre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo galabnimadii maanta lagu khaarijiyay magaalada Muqdisho.

Dilka mudanaha oo ay fuliyeen kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa ka dhacay degmada Karaan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay qabteen ragii geystay toogashada, inkasta oo aanan la xaqiijin karin.

Xildhibaanka ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee laga dilo Gollaha Shacabka sanadkaan 2019.

Marxmuum, ex-Xildhibaan, Cismaan Cilmi Boqorre ayaa kamid ahaa Guddiga difaaca ee Aqalka Hoose iyo mudanayaasha ugu da’da wayn Gollaha wakiilada shacabka.

The post Al-Shabaab oo sheegatay dilka Xildhibaan Cismaan Boqorre appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this