Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsanaa BF Soomaaliya oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in goor dhow magaalada Muqdisho lagu dilay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Dilka xildhibaanka, oo ay fuliyeen koox hubeysan, ayaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Kaaraan ee Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in ragga ka dambeeyay dilka xildhibaan Boqorre oo watay gaari ay goobta ay si deg deg ah uga baxasdeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay tegay, iyagoo halkaasi ka qaaday meydka xildhibaan Boqorre.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ka mid ahaa xildhibaanada ugu caansan baarlamanka Soomaaliya, wuxuuna xubin baarlamaan ahaa tan iyo dowladdii KMG ahayd.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Boqorre ayaa mar soo noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaankii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya, dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf. Sidoo kale waxaa uu ahaa ninka ugu da’da weyn baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this