Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo qoraallo deg deg ah kasoo saaray dilka xildhibaan Boqorre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraallo deg deg ah oo tacsi ah kasoo saaray dilka xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo galabta lagu dilay Muqdisho.

Xildhibaan Boqorre ayaa ka tirsanaa xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hoggaamiyo, sidoo kalena Fiqi uu xubin ka yahay. Hoos ka aqriso labada qoraal.

Xasan Sheekh: Anigoo ku hadlaayo magacayga iyo magaca dhammaan xubnaha iyo  bahweynta Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaan halkaan TACSI uga dirayaa qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xibiga isla markaana xubin firfircoon ka ahaa Xisbiga.

Gacan ka gardaran ayaa dishay xildhibaanka ee Ilaahey ha u naxariisto annagane gadaashiis Ilaahey nama fidneeyo. Amiin Amiin Amiin

Axmed Macallin Fiqi: Waxaa magaalada Muqdisho iga soo gaaraya in saaxiibkay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre galabtay lagu dilay halkaas, waxaan ilaahay uga baryayaa danbi dhaaf iyo jannooyinkiisa inuu ugu naxariisto.

Wuxuu ahaa nin qaranka u soo shaqeeyey mud dheer, ka qeybgalay dagaalkii 1964 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray kuna dhaawacmay asagoo askari ah, asagoo ciidanka ku gaaray gaashaanle sare, wuxuu soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka, wuxuu golaha shacabka ee hadda jira ahaa ninka uge da’da weyn, waxaan ka wada tirsanayn guddiga difaaca iyo xisbiga UPD.

Ilaahay ha u naxariisto, qoyskiisii, eheladii, qaraabadiisii iyo asxaabtiina sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.. Innaa lillaahi wa in naa ilahi raajicuun.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this