Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadh Soomaliyad Ah Oo Ku Xaniban Dalka Israel Iyo U Jeedada Loo Qabtay.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Srael ) Waaxda Dadka iyo Socdaalka ee Israel ayaa haweeney Somali-British ah u diiday inay gasho gudaha Israel si ay u booqato saaxiibkeed, waxaana ay ku xaniban tahay garoonka Ben-Gurin International Airport ee duleedka magaalada Tel Aviv.

C73B2464-E635-45CB-88AE-8C7FC2490414-768

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in in sababta haweeneydan loogu diiday inay gasho gudaha ay tahay kadib markii ay sheegtay inay damacsan tahay inay degto Israel, oo ay la noolaatoo saaxiibkeed oo ah nin magan-galyo ka raadinaya Israel oo muhajir ah.”

Haweeneydan oo lagu magacaabo Faiza Amin Mohammed ayaa sheegtay inaan sharaxaad laga siin sababta loogu diiday inay gudaha gasho, ayada oo hadda laba maalmood ku xanniban garoonka.

Waxay sheegtay inaysan wax qorshe ah ka lahayn inay kusii nagaato Israel, marka booqashadeeda ay dhameysato.

Waaxda Socdaalka ayaa khamiistii isku dayday in Faiza ay qasab ku saarto diyaarad u socotay London, taasi oo lagu guul-darreysatay.

Faiza oo oo degan London ayaa ka shaqeysa isbitaal, waxaana ay racfaan ka qaadatay go’aanka loogu diiday inay gasho Israel, hase yeeshee waxaa sida ay sheegtay loo diiday inay la kulanto qareenkeeda Asaf Weitzen.

Waxay ku dooday inay dooneysay kaliya inay booqasho gaaban ku joogto Israel, si ay waqti ula qaadato saaxiibkeed.

Faiza ayaa 20 sano ka badan ahayd muwaadin British ah, waxayna leedahay caruur iyo ganacsi u diidaya inay dal kale degto, sida ay sheegtay.

wadanka israil waxaa ku nool dad somali ah oo tiradoodu gaareeyso 1,500 oo qof intooda badana ay qaxooti ku joogaan iyo qaybo kaloo ka shaqeeysta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this