Abwaan Posted November 6, 2006 Barre Hiiraale oo u ambabaxay magaalada Baydhabo Mogadishu 06, Nov.06 ( Sh.M.Network) Wasiirka G/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia Col. barre Aadan Shire Hiiraale ayaa ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, ka dib kulamo uu xalay la qaatay qaar ka mid ah salaadiinta ku dhaqan gobolkaasi. Wasiirka G/dhigga oo safarkiisa ay ku wehliyaan xubno ay ka mid yihiin Xildhibaan C/rashiid Xidig iyo qaar ka mid ah Saraakiishiisa Ciidamada ayaa socdaalkiisa lagu micneeyay arimo la xiriira gudashada xilka wasiirnimo ee dowladda Somalia iyo wada tashiyo ku aadan isbadaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay K/Somalia oo uu la yeelan doono mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG ah ee Somalia. Wasiirka ayaa ka hor intii uusan ka ambabixin degmada Baardheere waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah saraakiishiisa ciidamada, isagoo kula dardaarmay in loo baahan yahay in la adkeeyo amaanka si looga badbaado xaalado qatar ah oo wasiirka uu sheegay in ay ku soo fool leeyihiin gobolka, isagoo sheegay in maleeshiyaadkiisa loo furi doono tababaro. tagitaanka wasiirka ee magaalada Baydhabo oo ah markii ugu horeysay tan iyo markii maxkamadaha ay ka fara maroojiyeen gacan ku heynta magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegantay xilli wali aan xal laga gaarin rabshado ka dhacay 2 maalin ka hor magaalada baardheere oo ay ku dhaawacmeen 3 ruux. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted November 6, 2006 Once aad Baydhabo timaado that confirms in lagaa raaye. He should just give up this futile quest. Quote Share this post Link to post Share on other sites