Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Iyo Xukuumadiisii Waxa ay Durbaanka U Qaadatay iyo Waxa Dadweynuhu Ka Filayaa Waa Kalamaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo Xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay si aad ah loogu Xaman jirey in ay Kasoo Xidhantey Siyaasada Arimaha Dibadda Laakiin taasi Waxey aheyd mid hadda noqotey kasii dar oo Dibi dhal Waxaana inoo cadeyneysa,Sida ay maanta ugu faraxsan yihiin Koox yar oo Xukuumadda Taageertaa Socdaalkan u Dambeeyay ee uu Ku Tagey Dalka Itoobiya iyo Kulankan hadda uu La Kulmey Raysal-Wasaaraha Itoobiya oo kulanka Noociisu ahaa Si aan ka duwaneyn sidii horeba la inooku soo dhawyn jirey oo ah mid aan hore usocod laheyn Waxaana hore ujirey,Xukuumadihii Somaliland soo marey ilaa Marxuum Cigaal Rayaale,iyo Siilaanyoba in Mawqifka Dawlada Itoobiya ay Ka Aaminsan Tahey Somaliland uu ahaa Mid Cadaan ah laakiin hadda uu Mugdi ku Jiro..

0220A6A2-1A94-42D7-801E-AF717CB7FD80-102

Waxana Muuqda Xiligan Dhutinta ay Xukuumadani ka Dhutinayso Dhinacii Baratakoolka iyo Sidii loo kala lahaa Masuuliyadda Sababtoo ah Waxa ay Dad badani Iswydiinayaan Wasiirka Arimaha Guduhu ma Raysalwasaarihii Xukuumadaa,amaba Madaxweyne Kuxigeenkii,maxaa Yeelay Wasiirkii Arimaha Dibadda oo Jooga Mr Faratoon ayuu Isagu Ka Warbixinayaa Safarkii iyo Socdaalkii Madaxweynuhu ku aadey Dalkaasi Itoobiya Mana jirto Wax alaale iyo Wax ay u Sheegeen Shacabka Somaliland oo aan aheyn Waanala Soo Dhaweeyay Waxa nalaku Soo dhaweeyay meeqaam Sare, Taasina Waxey Noqoneysaa Mid Shacabkani Kasoo Daaley oo ah Meeqaam Sare Waxa ay Durbaanka u Tumanayso,iyo Waxa uu Shacabku ka Sugayaa waa Mid kala maan ah.

Sikastaba ha ahaatee Waxa kale oo ay Bulshada Somaliland la yaaban tahey Socdaal uu haddana ku imanayo Gabiley oo aan ujeedadiisu ka badneyn meel yar oo la dhisey oo Xadhiga laga jarayo, iyadoo lawada ogyahey in Gabiley Xukuumada ku dulman tahey oo aan Gobolnimadeedu dhameys tirneyn iyadoo Maalin Walba kasoo gasho lacag aan ka yreyn Afar Boqol oo milyan oo Shilinka Somaliland ahna Meesha Labaad ee lafdhabarta u ah Dhaqaalaha Somalilana kaaga sii Darane laba jeer si aan kala hadh laheyn u taageeray Doorashada Xukuumadahan Kulmiye ee Gobolnimadeeda Dhameytirkiisa Diidan haba ugu Sii Darnaato Tan Muuse Biixi hogaaminayo,e Su,aasha Isweydiinta lihi Waxa ay Tahey Miyaan Aqliba u Kordheyn ama aaney Oday Inanba laheyn Reer Gabileygan Wali Kujira asoolka Muuse Biixi ilayn Horeba Waa u Ogaayeen Reer Gabiley oo Mujaahidiintii Dhimatey Waa wada Sheegeen in Muuse Reer Gabiley Neceb yahaye,Waxaan kusoo Gunaanadayaa Muuse Biixi Wuxuu la daalaa Dhacayaa Dalkii Dhamaa ee Loo Dhiibaye Gabilay Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Waa halkiiye.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tel:0634466339

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this