Sign in to follow this  
Deeq A.

Xabsi Weyn Oo Laga Furay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu xarigga ka jaray xabsi weyn oo dhisme ahaan casri ah, kaasi oo laga furay magaalada Muqdisho.

Dhismaha xabsigan ayaa socday muddo Saddex sano ah, waxaana markii ugu horreysay dhagax-dhigay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Xabsigan ayaa ka kooban qeybo kala duwan, waxaana loogu talogalay in lagu xiro maxaabiista, sidoo kalena loogu sameeyo dhaqancelin.

Marka la eego xabsigan waxa uu ku jiraa liiska kuwa ugu casrisan ee qaaradda Afrika, iyadoo maxaabiista ay heli karaan nafis badan, goobo waxbarasho iyo goobo kale oo lagu ciyaaro.

X1.jpg X2.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this