Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xaaf “Madaxweynaha Go’aankii Aan Kusoo Gaarnay Garoowe Waxbo Kama Fulin”

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay in illaa iyo haatan aanay waxbo ka qabsoomin wadahadalladii madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada ee magaalada Garoowe.

Wuxuu sheegay in maamul goboleedyada aanay wax qarashaad ah ka helin dowladda dhexe 8-dii bil ee lasoo dhaafay, isaga oo sheegay in caalamka u sheegayaan qarashaadkii ay soo dhiibeen in aanay helin.

Xaaf ayaa dhanka kale sheegay in Galmudug iyo maamullada kaleba isku tashanayaan, islamarkaana bilaabi doonaan wax soo-saarkooda si ay wax u qabsadaan.

Ugu dambeyn, Xaaf ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan dhismaha dekadda Hobyo, dhaka kalena iska difaaci doonaan wax walbo oo dhanka dowladda kaga yimaada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/codka-XAAF.mp3SAX.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this