Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS Oo u ambabaxay dalka Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u duulay dalka Masar.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa  ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa magaalada Sharmal Sheekh ee dalkaasi  uga qeyb galaya shir u dhexeeya Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub.

Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah uu la qaato madaxweynaha Masar, guddoomiyaha shir guddoonka ururka Midowga Afrika, iyaga oo ay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay xiisada u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynuhu uu socdaal ku tagay Burundi iyo Jabuuti, halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dalalkaasi.

The post Madaxweynaha JFS Oo u ambabaxay dalka Masar appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this