Deeq A. Posted February 23, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u duulay dalka Masar. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/Muqdisho. Madaxweynaha ayaa magaalada Sharmal Sheekh ee dalkaasi uga qeyb galaya shir u dhexeeya Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah uu la qaato madaxweynaha Masar, guddoomiyaha shir guddoonka ururka Midowga Afrika, iyaga oo ay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay xiisada u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynuhu uu socdaal ku tagay Burundi iyo Jabuuti, halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dalalkaasi. The post Madaxweynaha JFS Oo u ambabaxay dalka Masar appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites