Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo maxkamad soo taagtay Hooyo wiilkeeda loo heysto weerarkii DusitD2

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la soo taagay Sakina Abdalla oo ah hooyada dhashay Ali Salim Gichunge oo la rumaysan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii Bishii Janaayo Al Shabaab ay ku qaadeen hotelka DusitD2 ee magaaladaasi.

Qaadiga Maxkamadda Francis Andayi ayaa sheegay in haweeneydani lagu eedeeyay in ay Booliska ka diiday in ay u sheegto halka uu ku sugan yahay wiilkeeda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay  in Taleefoonkeeda laga helay xiriiro joogta oo la samey jirtay dad jooga Soomaaliya, kuwaasi oo ay haatan baaritano ku socdaan.

Dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Haweenaydan ayaa dib loo dhigay, iyadoona loo fariisan doonon todobaadka soo aadan.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay Ali Salim Gichunge uu yahay maskaxdii ka dambaysay weerarkaasi oo ay ku dhinteen in badan 20 Qof oo Kenyaan ah, kadib markii rag hubeysan oo ka tirsanaa Al Shabaab ay gudaha u galeen hoteel nuuca raaxada oo ku yaala galbeedka magalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

The post Kenya Oo maxkamad soo taagtay Hooyo wiilkeeda loo heysto weerarkii DusitD2 appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this