Deeq A. Posted February 23, 2019 Kismaayo (SMN) – Maxkamad hoostagta Al Shabaab ayaa maanta xukun ku fulisay Haweeney la sheegay in ay ku kacday fal Zino ah. Haweeneydan oo lagu magacaabo Maryan Muxidiin Maxamed ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Kamsuuma ee G/ Jubbada Hoose lagula dhuftay illaa 100 Jeydal ah, waxaana maxkamaddu ay sheegtay in aysan soo marin wax guur ah. Qaadiga Maxkamadda ayaa xukunka oo ahaa qiraal ka akhriyay goobta fagaaraha ah, iyadoona ay goobjoog ahaayeen dadweyne iyo xubno ka tirsan Al Shabaab. Inta badan Al Shabaab ayaa xukuno kala duwan ka fuliya deegaanada ay ka arrimiyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Al Shabaab oo xukun ka fuliyay G/ Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites