Sign in to follow this  
Deeq A.

Gargaar la masuq-maasuqay Oo lagu qabtay Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Maamulka degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta gacanta ku dhigay raashin gargaar oo la masuq-maasuqay, kaas oo loogu talagalay dadka ku dhibaateysan magaaladaasi.

Duqa Baladweyne Khadar Xasan Afrax oo la hadlay Warbaahinta ayaa xusay in ay xireen baqaaro lagu iibinayay raashinkaasi oo ka yimid dowladda Sacuudiga.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano xoogan oo ku aadan kiiskaasi.

Dhanka kale Aadan Cabdi Faarax oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka HirShabelle ayaa si xoogan cambaareeyay falkan masuq-maasuqa ah.

Xildhibaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in afka loo dhigto gargaar loogu talagalay dad tabaaleysan.

Waxaana uu ku eedeeyay masuq-maasuqaasi in ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli Qoysas badan oo danyar ah ay ku dhibaateysan yihiin gudaha Baladweyne, kuwaas oo aan in muddo helin wax caawimaad ah.

The post Gargaar la masuq-maasuqay Oo lagu qabtay Baladweyne appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this