Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhalinyaro tooriyo ku hubaysan oo Garowe lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_20190223_123118_717-1.jpg?w=1000&sslTooriyaha lagu qabtay dhalinyarada

Taliska Booliiska gobolka Nugaal ayaa maanta soo bandhigay in ku dhow 30 dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay hawlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Garoowe.

Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Xassan Cabdullaahi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay saldhiga Garoowe ayaa sheegay in dhalinyarada la soo qabtay ay ku eedaysan yihiin dhaca iyo furashada dadweynaha magaaalada isagoo xusay in qaar kamid ah raggan ay ka soo carareen dhinaca magaalada Boosaaso oo hawlgallo culus ka socdan.

Taliska ayaa sidoo kale soo bandhigay tooriyo la sheegay in ay dhac iyo furasho ku geysanayeen dhalinyarada la soo qabtay waxaana taliyuhu sheegay in maalinta berri ah maxkamad la isku geyn doono iyaga iyo qalabkoodaba.

PUNTLAND POST

The post Dhalinyaro tooriyo ku hubaysan oo Garowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this