Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacaabistii lama filaanka aheyd ee Kheyre, maanta oo kale laba sano ka hor

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo sano kadib maanta oo kale ayay aheyd markii la magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, taasi oo lama filaan noqotay magacaabistiisa.

Xasan Cali Kheyre ayaa la magacaabay 23 February sanadkii 2017, waxaana lagu magacaabay qoraalka Barta Twitter-ka uuso dhigay madaxweynaha Soomaaliya.

Markii la magacaabay kadib wuxuu codka kalsoonida ka helay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu kadib soo magacaabay golo wasiiro oo marar badan isku shaandheyn iyo wax ka badalid lagu sameeyay.

Kheyre ayaa hadda xilka haya muddo labo sano ah, waxaana mudada xilka hayay soo wajahay culeesaad siyaasadeed oo kaga imaanaya siyaasiyiin kala duwan iyo xildhibaanada baarlamaanka.

Wuxuu noqanayaa ra’iisul wasaarihii seddexaad oo muddo labo sano oo xiriir ah xafiiska jooga, waxaana sidaan oo kale labo sano dhameystay Cali Maxamed Geedi ra’iisul wasaarihii KMG ahaa iyo Cumar C/rashiid Cali.

Labada sano ee soo socota ayaanan la ogeyn in madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ay wada dhameysan doonaan, waxaana sidaasi horey u balanqaaday madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this