Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xaaf: Waxaa igu socda dagaalka DF, way ka baxday heshiiskii

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay wali dagaal kula jirto maamulkiisa.

Xaaf, oo maanta tagay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka baxday wixii lagu heshiiyay dhamaan ballamihiina ka baxday.

Madaxweyne Xaaf ayaa dowladda dhexe  ku dhaliilay in ay si weyn uga soo horjeedo hormarka maamulka Galmudug, isagoo ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Bulshadda in ay muujiyaan isku tashi.

Xaaf iyo dowlada dhexe ayaa waxaa ka dhaxeeyay Khilaaf muddo soo socday kaasoo ku saleysan hanaanka dhismaha maamulka Galmudug oo waqtigiiso dhammaaday, waxaa sidoo kale khilaaf kala dhaxeeya Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Xaaf,waxaa uu ka soo haray maamulkii ugu sarreeyay Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee CIC, waxaana uu ka ahaa Guddoomiye ku xigeen.

Madaxweynaha Jubaland oo golahaasi ku jira ayaa waxaa uu wadahadal kula jiraa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,halka maamulladii kale ay qaar la heshiiyeen dowladda dhexe kuwana ka dhaceen doorashooyin sababay isbeddel dhinaca hoggaanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this