Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo u dhoofay Masar iyo Siisii oo loo gudbin doono dacwad ka dhan ah Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Masar, iyadoo safarkiisa ku soo aaday, maalmo kaddib markii uu ka soo laabtay dalalka Burundi iyo Jabuuti.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee u ambabaxay dalka Masar ayaa ka qeyb galaya shir Madaxeedka Afrika iyo Yurub, kaasoo ka dhacaya magaalada Sharmal Sheikh.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Masar C/fataax Al Sisi oo xilligan ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu dhiggiisa Masar kala hadli doono Xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Madaxweynaha inta halkaas uu ku sugan yahay ayaa waxaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la qaato Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaasi ka furmaya Dalka Masar.

Shirkaasi ayaa inta badan waxaa ka qeyb gali doona Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Madaxda Midowga Yurub, waxaana lagu soo bandhigi doonaa Qorshaha Midowga Yurub ee dalalka Carabta.

Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, waxaa horay uga qeyb qaadato dadaalo Diblomaasiyadeed ee ay waday oo ay ka mid aheyd xalinta xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, inkastoo aanay guuleysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this