Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Sudan Oo Dalkiisa Ku Soo Rogay Hal Sanno Oo Xaalad Degdeg Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo uu ku soo rogay dalkiisa muddo sanad ah, iyadoo kala diray Xukuumadda iyo Maamulada Gobolada dalka.

omar-al-bashir.jpg

Al-Bashiir oo la hadlayay shacabka Sudan ayaa sheegay inuu si weyn u qiimeynayo banaan baxyada ka socda Sudan iyo xaalada murugsan ee ay ku jirto dalkiisa.

Waxaa uu ku wargeliyay Baarlamaanka inuu dib u dhigo is bedelka Dastuurka dalkaas, kaasoo u ogolaanaya inuu mar kale isku soo sharaxo doorashada Madaxtinimada sanadka 2020.

Dibad baxyo looga soo horjeeday Madaxweyne Al-Bashiir ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah dalkaas, waxaana dibad baxyadaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa muddo 30 sano hayay talada dalka Sudan, waxaana sanadkii 2016 uu ku dhawaaqay in aanu dib dambe isku soo sharaxi doonin.

Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada ICC ayaa sanadkii 2009-kii ku soo oogtay dacwad la xidhiidha dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhacay Gobolka Darfur, inkastoo uu beeniyay eedeymahaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this