Sign in to follow this  
Deeq A.

MUQDISHO: Mid Ka Mid Ah Xabsiyada Ugu Weyn Qaarada Afrika Oo Maanta Xadhigga Laga Jarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho xadhigga lagaga jaro Xabsigii ugu weynaa ee qaab casri ah loo dhiso, kaasoo dhismihiisa uu socday muddo sanado ah.

xabsi-muqdish.jpg

Xabsigan ayaa furitaankiisa lagu soo beegay sanad-guurada 49aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in xabsigan uu la mid yahay sida xabsiyada caalamka ku yaalla, waxaana lagu tilmaamay mid ka mid ah xabsiyada ugu weyn Geeska Afrika.

Munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa maanta ka dhaceysa Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa Soomaaliya.

Xabsigan oo uu sanadkii 2016 dhagax dhiggay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa dhisay hey’ado caalami ah, waxaana lagu tilmaamay inuu ka mid yahay xabsiyada ugu weyn ee Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this