Deeq A. Posted February 23, 2019 Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay xireen waddooyinka Muqdisho qaarkood. Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan wadada dheer ee Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale waddooyinka yar yar ee soo gala wadadaasi. Ulajeedka waddooyinkan loo xiray ayaa ah madaxda sare ee dowladda federaalka oo ka qeybgaleysa munaasabadda 49 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Shacabka ayaa la arkayaa iyaga oo cagta maalaya, waxaana ay kuu sheegayaan dadka inaanay ku tashan waddooyinkan la xirayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites