Deeq A. Posted February 23, 2019 Madaxda sare ee dowladda federaalka aya alagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay xarigga ka jaraan xabsi la sheegay inuu ka mid yahay kuwa ugu weyn Afrika ee laga dhisay magaalada Muqdisho. Dhismaha xabsigan ayaa socday Saddex sano, waxaana sanadkii 2016 dhagax dhigay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Waxaa xabsigan loo dhisay qaab casri ah, iyadoo loo dhammeystiray adeegyada ay u baahan yihiin maxaabiisa. Furitaanka xabsigan ayaa lagu soo aadiyay munaasabadda 49 guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites