macalimuu Posted March 20, 2005 here is the lyrics and the link.. enjoy it http://www.hobyonet.com/audio/duufaan.ram Waxii adiga kuu daran ninka eey damqeeysee Hadalkoon I deeqsiin kaa duraamanaayaa Asagoon dareen qabin hadii laydin kala dilo Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye Ayaan daadku kula tegin Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye Ayaan daadku kula tegin Waan daalayee Waan daalayee Waan daalayee Waan daalayee Ha ii daraan Nabsi lama daraasado asagoo dibadahaa yaale Dukaan lagama iibsado sidiii sheey markaa dihane Waa laga danbeeyaa intaanu daaqad kaa furane Adigaa ku daabacan dubaaqa iyo laabtee Hadaan diiday ruux kale inuu dabin iigu daro Oo aniga oo dareen qabin hadba leeygu kaa diro Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye Ayaan daadku kula tegin Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye Ayaan daadku kula tegin Waan daalayee Waan daalayee Waan daalayee Waan daalayee Ha ii daraan Nabar dooga ahaa baa qoloftii ka diirtoo Damqadaye xanuunkaba waxaa iga sii daran Anigoo dareen qabin hadii leeyna kala dilo Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye Ayaan daadku kula tegin Duufaan ku qaadiyo waa sahal dabeeyshuye Ayaan daadku kula tegin Waan daalayee Waan daalayee Waan daalayee Waan daalayee Ha ii daraan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted March 21, 2005 Lacageeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey, Lurkeedii habeenadan, hurdo laddiba waayee, Lacageeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey, Ragga kala labeysaay, Haween lahashadoodaay, Liitaha gadhgaadhaay, Laqan hoos u celisaay, Lacageeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey, Lurkeedii habeenadan, hurdo laddiba waayee, Lacageeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taqwa Posted March 21, 2005 Horta the song "Lacagaay" heesaha uu qaado Faysal Omar hees ka mid ah maha? Its been a few years since I listen to Qaraami. Lakiin I also heard Heesta midhaheeda waxa qoraay Omar Dulleh (Ilahay oo naxaristo eeh). P.S. Dufaan wa hees midho macaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
checkmate Posted March 21, 2005 ALLAH YARXAMA. Gacma haaga xaada leh! xabadyahay waxaad tahay xulashada haweenko xaqiiqdii mid kula midah wali lama xambaarine xuural cayn la moodyoo xaragada u dhalataay gacmaahaga xaada leh markaan soo xasuustaba xadxantoodayeey Gar eexiyo! Geesi iyo hanad baa [Cumar Dhuule] Geesi iyo hanad baa La gaboodsadaa Rag ninkii wax garadaa La gar waaqsadaa Waa nin gala abaaloo Gudi kara wanaagoo Samo kugu gargaree Gar eexiyo Adoon godob u malayn Hawsha ila gal Ama gooni noqoo Aan kaa go'ee Aan kaa go'ee Galad iyo ayaan baa Lagu guursadaa Talo aad gorfaysaa Geed lala tagaa Runta laga garaabaa Layskuma gayaxa oo Gees lagama eegee Gar eexiyo Adoon godob u malayn Gar eexiyo Adoon godob u malayn Hawsaha ila gal Ama gooni noqoo Aan ka go'ee Aan ka go'ee Gaban maayo aniguye Adaan kuu go'ee Jacaylbaa I gooyee Adna ii garaw Haygu noqonin Geed adag Aan go'I karaynoo Gacmaa daalinaayee Gar eexiyo Adoon godob u malayn Hawsaha ila gal Ama gooni noqoo Aan ka go'ee Aan ka go'ee asxantu Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted March 21, 2005 here is the xarago song waaaaaaaaaw iga dheh, the lyrics is up there, checkie posted it xarago Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tuujiye Posted March 22, 2005 Nuunka, kaalay adi ma lagu qah qahsaadayo maxaa waaye...SOL dadka Somaliga qora oo waxaan oo kale qore hoos ee ku daadshaan. Adiga wili general aa leersanoosaye...Waraa maxaa ku sameysay ciyaal faycali...luujitaale waaxid..lol..waaka cabsaday abaa.... Wareer badanaa!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted March 22, 2005 waawaa! thanks homies!! i am in the mood tonite!! lol..where is nacnac qori!!lol! the win media player sounds so much than the realplayer!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted March 22, 2005 rudy wara lollipop gurl has died, I don't know what is wrong with her. Tuujiska abbaa waligaa ma maqashey mayiikoole murti miiran maniid magaalo kula maciinto mawd lee sugee, marka waxaa ku keenay meel kale adoon fiirin, macallin muxuyidiin gewertiis minjaha lee ka jarjar waxaa ka heshidna waxba haiga siiniin because barni barideed aa batiiq ii saaran ani Quote Share this post Link to post Share on other sites