Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Suudaan oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka  Suudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa xalay saqdii dhexe ku dhawaaqay in uu  xaalad degdeg ah mudda hal sano ah ku soo rogay waddankiisa islamarkaana kala diray golihii xukuumadda iyo maamulladii gobollada ee dalkaasi.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa sheegay in uu qiimaynayo awoodda dibad-baxayaasha ka horjeeda maamulkiisa waxaana uu golaha Baarlamanka ku wargeliyay in ay dib u dhigaan isbeddelka Dastuurka ee saamaxaya in mar kale uu Al-Bashiir u tartamo doorashada madaxtinimada dalka.

Waayadan dambe waxaa dalka Suudaan ka socday dibad-baxyo shacbi oo lagu dalbanayo in uu xilka isaga dego mudane Al-Bashiir oo mudda 30 sano ah waddanka xukumayey waana tan madaxweynaha ku khasabtay go’aanka la xiriira in uu xaalad deg deg ah soo rogo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Suudaan oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this