Deeq A. Posted February 23, 2019 Madaxweynaha dalka Suudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa xalay saqdii dhexe ku dhawaaqay in uu xaalad degdeg ah mudda hal sano ah ku soo rogay waddankiisa islamarkaana kala diray golihii xukuumadda iyo maamulladii gobollada ee dalkaasi. Madaxweyne Al-Bashiir ayaa sheegay in uu qiimaynayo awoodda dibad-baxayaasha ka horjeeda maamulkiisa waxaana uu golaha Baarlamanka ku wargeliyay in ay dib u dhigaan isbeddelka Dastuurka ee saamaxaya in mar kale uu Al-Bashiir u tartamo doorashada madaxtinimada dalka. Waayadan dambe waxaa dalka Suudaan ka socday dibad-baxyo shacbi oo lagu dalbanayo in uu xilka isaga dego mudane Al-Bashiir oo mudda 30 sano ah waddanka xukumayey waana tan madaxweynaha ku khasabtay go’aanka la xiriira in uu xaalad deg deg ah soo rogo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Suudaan oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites