Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al Shabaab oo ku dhintay qarax Gaari oo ka dhacay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gedo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno xuduuda dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al Shabaab ay ku dhinteen qarax gaari oo ka dhacay gobolka Gedo.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa gaariga uu ka dhacay deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay in gaariga uu marayay wadada.

Ku dhawaad 10 ruux oo ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay inay gaariga saarnaayeen, waaxaana nooca gaariga la sheegay inuu ahaa midka loo yaqaan Qooqan.

Al Shabaab wali kama aysan hadlin khasaaraha kasoo gaaray qaraxa gaariga, balse saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in xubno kamid ah Al Shabaab ay ku dhinten qaraxaasi.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Saraakiisha Militariga dowladda Gobolka Gedo oo warkaan xaqiijinaya.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid dhulka horey loogu aasay, kaasi oo haleelay gaariga ay la socdeen xubnaha ka tirsan AL Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this