Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo deegaanadii ugu badnaa kala wareegay Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, kadib dagaalo xoogan oo labada dhinac dhexmaray.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalo xoogan ay ka dhaceen deegaano hoos taga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana ciidamada dowladda ay qabsadeen deegaano ay Al Shabaab ku sugnaayeen.

Maxamed Cabdulle Caraaye oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Al Shabaab ay kala wareegeen deegaanada Kaxarroow, God-Doofaar, Xaawo Adduunyo iyo meelo kale oo ay Al-shabaab ku sugnaayeen.

Ciidamada ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka waday Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana habeen ka hor ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ay weerar ka fuliyeen deegaanka Sabiib oo ku yaalla duleedka Afgooye.

Al Shabaab ayaa dhankooda wali ka hadlin dagaalka ka dhacay Shabeelaha Hoose, waxaana ciidamada dowladda la sheegay inay gacanta ku hayaan deegaanadii kala wareegeen Al Shabaab.
Maxamed Cabdulle Caraaye, ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin deegaano kale oo Al Shabaab ay kaga sugan yihiin Shabeelaha Hoose, islamarkaana ay ku jiraan qaban qaabadii ugu dambeysay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this