Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Burundi oo ciidamadii ugu horeeyay kala baxday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada online)-Ciidamadii ugu horeeyay oo ka socda dalka Burundi ayaa isaga baxay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada la filayo inay dhawaan ka baxaan dalka.

Ciidamada oo gaaraya ku dhawaad 200 oo askari ayaa la sheegay inay isaga baxeen magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee shalay, waxaana ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Bujumbura.

Ku dhawaad kun askari oo kamid ah ciidamada dalka Burundi ayaa la qorsheynayaa inay shan maalin kadib isaga baxaan Soomaaliya, waxaana horey loogu heshiiyay qorshaha ciidamadan ay kaga baxayaan Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Burundi ayaa xaqiijiyay in ciidamadan diyaarad gaar ah ay ka qaaday magaalada Muqdisho islamarkaana laga dajiyay caasimada Dalka Burundi ee Bujumbura.

Dowladda Burundi ayaa walaac ka muujisay in ciidankeeda oo kaliya laga saaro Soomaaliya, waxaana ay ku hanjabtay in dhamaan ciidamadeeda ay ka saari doonto Soomaaliya.

Dhawaan waxaa magaalada Bujumbura tagay madaxweynaha Soomaaliya isaga oo madaxweynaha dalkaasi kala hadlay arimaha bixitaanka ciidamada, iyaga oo ku baaqay in madaxda dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay tagaan dalka Burundi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this